Ma tahay Arday ku jira Barashada Computer Science, ama IT?
7 Talo iga Qaado si aad u guuleysato.
Aqris muddo gaaraysa 5 daqiiqo kali ah
Ardada barata ama xiisaysa barashada cilmiga Computer Science way soo badanayaan sanadahan danbe, sidoo kale Tirada ardada shaqada ka hesha suuqa Fursadaha badan ee ITda way yartahay marka la isu beego Ardada qalinjebinaysa, haddaba sababtu maxay tahay?
Waxaa la wada ogyahay in Computer Science ama IT ay yihiin Cilmi Farsamo iyo Gacan ka shaqey, sidoo kale u baahan Maskax furan curis leh xallin kartana arrimaha adag, iyo qof u diyaar ah in marwalba wax cusub uu baran karo lana qabsan karo.
Suaashii hore aan su'aal kale uga jawaabo, ma yihiin inta badan ardada ka qalin jabisa cilmiga CS ama IT kuwo leh sifooyinka aan soo sheegay!.
Talooyinkaan iga Qaado haddii aad dooneyso inaad ku guuleysato barashada iyo ka shaqaynta Computer Science ama IT.
1.Raadi Ilo badan aad wax ka barato: Ogoow sax ma ahan in Classka aad wax walba ku baran karto, raadi wax badan oo kaa maqan, Online-ka ka baro Aqoon dheeraad ah sida Somali Programmers ama Youtube. Ku biir Facebook Group-yada ay ku mideysanyihiin ardada Computer Scicne ee Soomaalida ama Ajaaniibta ah, haka maqnaan goob online ama offline ah oo looga hadlayo arrimaha Technology-da iyo Computerka.
2.Baraatik:Maadooyinka ugu badan aad Jaamacadda ku qaadan doonto waa Practice, ha is dhigan, sameey baraatik badan, la saaxiib Computer-ka, noqo qofka ugu horeeya ee dhiiba mashruucyada ama Assignments ka la diro, isku day inaad samayn karto wax ka duwan inta laguu diray, garaadkaaga isticmaal, la imoow hal abuur.
3.Waqtigaaga si wanaagsan u maamul: Furaha Guusha ee waxwalba waa sida aad uga faaideysato waqtigaaga, Waqtiga waa nolosha, Waqtiga waa daqiiqadda hadda aad nooshahay iyo sida aad uga faaideysato, ha noqon galab galab waqtigiisa aan maamuli karin, waa kugu ceeb adigoo guul raba inaad waqtiga ka faaidaysan waydo.
Ka fikir halmar adigoo Hawl ay shirkad kaa rabto ama mashruuc, kadibna aad lasoo daahdo ama xilligii la rabay ku diyaarin weydo, sow Khasaare Lacageed ma ahan, weliba sabab u noqon karta in shaqada lagaa ceyriyo ama hoos laguu dhigo, is bar inaad waqtigaaga ka faaideysato hadda.
4.Abuur Mashruuc yar: Semester walba oo kuu dhammaada abuur mashruuc yar (Project) oo fudud, u bandhig macallimiintaada, asxaabta, la wadaag asxaabtaada Online-ka, ku wadaag Groupska Social Media sida Somali Programmers Facbeook Group.
Mashaariicda aad abuuri karto waxaa kamid noqon kara kuwan:
- Shop management system
- Simple Calculator
- Electricity management system
- Hospital management system
- Tik Tak Toe Game
5.Programmin-ka Fahan: Maadooyinka ugu adag ee aad baran doonto waa Programming Languages, haku fakarin inaysan muhiim kuu ahayn, arday badan ayaa sidaa u fakarta, xilli danbe-na ka shallaaya, Dhuuxa Computer Science waa Programming, si aad wax u Program garaysana waa inaad taqaanaa Luqadaha Programmingka, dhammaantooda fahan oo baro, laakiin ha isku dayin inaad dhammaan ku wada shaqayso ama aad ku takhasusto, Luqadaha aadka loogu baahanyahay waxaa ka mid ah:
- C++ Programming
- Java Programming
- Php Programming
- Java Script
- Python
6.XISAABTA Fahan:Furaha Maskaxdaada aad ku fur furi karto waa Xisaabta iyo Logic, fahan xisaabta waxay kuu fududeyn doontaa inaad u fakarto hab duwan, aadna xalliso wax badan, Xisaabaadka Muhiimka u ah Ardayga Computer Science waxaa kamid ah:
- Discrete Math
- Calculus
- Linear Algebra
- Number Theory
- Graph Theory
7.Bulshada xiriir wanaagsan la yeelo: Qodobka ugu danbeeya ee guusha ardayga Computer Science waa inaad xiriirkaaga bulshada uu sarreeyo, bulshada qeybaheeda kala duwanna aad ku leedahay saaxiibbo, kuwaa oo kuu yaqaana inaad tahay Arday Computer Science ah oo ka qeyb qaadan kara horumarkooda iyo tan guud, sidoo kale xallin kara dhibaatooyinka Tignooloji ee lasoo gudboonaada, si wanaagsan ula dhaqan Bulshada, Dhaqan wanaag waa Diin Wanaag.
Gunaanad
Guusha iyo Guul darradaba waa Qadar Alle balse qofka dadaalkiisa wanaagsan Rabbi ma lumiyo, Dadaal badan ku bixi si aad Hiigsigaaga ugu meel gaari lahayd, qaado talooyinkaan iyo Talooyinka kale ee Interneetka buuxa, Dadaalaa wuu gaaraa
la wadaag asxaabtaada
W/Q: Eng.Maxamed Cabdirasaaq Xasan
Email: emohamed.abdirizak@gmail.com
Mahadsanid
1 Comments
.thanks!