Ad Code

Responsive Advertisement

Qoraaladii Hore

5/recent/ticker-posts

5 Tallaabo oo ku gaarsiin karta inaad Programmer noqoto sanadkan 2023

5 Tallaabo oo ku gaarsiin karta inaad noqoto Programmer Sanadka 2022

      Waxaa soo badanaya ardada Soomaaliyeed ee baranaysa cilmiga Computer science ka, sidoo kale raba inay noqdaan Xirfadlayaal heer sare ah sida Programmer ama Software Developer, haddaba halkaan waxaan kusoo koobayaa 5 tallaabo oo hadaad marto aad ku noqon karto Xirfadle ku guuleysta/sata xirfadiisa/xirfadeeda.

1.Rabitaan: Wax walba waxaa lagu gaaraa Rabitaan iyo Dadaal, waa inaad leedahay Rabitaan iyo Han sare oo aad ku tiigsanayso Yoolkaaga

2.Isku day: Mar walba isku day inaad horumariso Barnaamijyo yar yar sida Calculator ama Barnaamij yar oo xisaabinaya Isku celceliska Maadooyinka Arday ee Imtixaan, Ama Foom Diiwaan gelin ah oo ka diiwaan gelinayso Macmiilka Magaca iyo Ciwaanka kadibna aad ku xireyso Xog keydiye (SQL Server, ama MySql).

3.Meel Hoose ka Billaaw: Marwalba isku day inaad waxa fudud fahanto marka hore, gaar ahaan Luqadaha wax lagu Barograamiyo .

Tusaale: Ka billaaw barashada Luqadda C, kadibna ku sameey barnaamijyo fudfudu, kadibna baro C++, kadib Java, Php, iyo Python

4.Sugitaan: Hawsha laga rabo Horumariyaha (programmer) ma ahan mid fudud, waa inaad u diryaar garowdaa samaynta Barnaamijyo culculus, haddaba waa inaad sugtaa oo aad si fiican u qabataa hawlaha fudfudud ee hadda aad hayso.

5.Fahan qaab hawleedka Mashiinka: Qofka Barogramiyaha ah waa inuu/inay fahan heer sare ah ka haystaa qaab hawleedka Kombiyuutarka (Logical Operations), sida qaabka uu u shaqeeya Processor ka ama Maskaxda iyo Xusuusta, sidoo kale waa inuu/inay fahmaa/taa Luqadda mashiinka sida ee Eber iyo Hal (Binary), sidoo kale wax ka fahmaa/taa Algorithm ama Khawaarizmiga

WAANO GUUD

Luqadaha wax lagu barograamiyo waa ay tiro badanyihiin, sidaa daraadeed waxaa kugu adkaan karta doorashada middii aad baran lahayd ama aad ku shaqayn lahayd, balse marwalba xasuusnaaw inaad ka billaawdo halka hoose oo isku day inaad xariif/ad ku tahay Luqadaha C,C++ waxay labadaan in badan kuu fududeyn doonaan inaad wax badan ka fahanto Qaab hawleedka Mashiinka, kadib waxaad go’aansan kartaa Luqadaha kale ee aad dooneyso inaad xirfadle ku noqoto sida: Java, Python, Kotlin, Php, Ruby,

.

Sidoo Kale marnaba ha is wadaajin laba Luqadood oo kale duwan inaad hal waqti oo isku mid ah aad ku wada barato ama aad ku wada shaqayso, haddii aadan ku ahayn labadaba Khabiir/ad.

Waxaad sidoo kale lagama maarmaar ah inaad dookh leedahay tusaale inaad dooneyso Horumarinta barnaamijyada Ganacsi (Business Application Developer), ama Horumarinta Barnaamijyada Telefanada Caqliga ah (Mobile App Developer), Horumarinta Mareegooyinka (Web Developer), kadib waxaa kuu fududaanaysa inaad doorato Luqad kuu gooni ah oo aad ku hormariso.

Midda kale Ku shaqaynta Mashiin fiican waxay kuu fududeynaysaa Horumarinta, Adeegso Kombiyutar wanaagsan oo wax lagu Barograamin karo.

Lifaaqaan ka aqriso Qormadeydii ahayd Sidee ku dooran kartaa Kombiyuutar

La soco Qormooyinkeyga soo socda

Ha illaabin inaad ka helid saarto la wadaagto asxaabtaada Faallana ka bixiso

W/Q: Injiner Maxamed Cabdirisaaq

Mahadsanidiin

Post a Comment

1 Comments

Unknown said…
This comment has been removed by the author.