Aqris muddo 5 daqiiqo ah
Sanado badan waxaa socday muran iyo baqitaan ku aaddan in Caqliga Macmalka ah ee (AI) uu qaban kari doono inta badan shaqooyinka dadku qabtaan, shaqooyin badan oo hadda jirana laga maarmi doono in shaqaale loo baahdo, ayadoo uu badali doono mashiin qaban kara hawshaas waqti dheer oo joogto ah.
ChatGPT oo lagasoo gaabiyay (Chat Generative Pre-training Transformer) ( Wada sheekeysiga isku-beddelka tababarka horreeyay) oo macnaha guud uu noqon karo Wada sheekeysi Mashiin horey loo tababaray ayaa lasoo bandhigay dhammaadkii sanadkii tagay ee 2022 , muddo todobaad ah wuxuu ku gaaray isticmaalayaal gaaray 1 Milyan 300 billion words
OpenAI oo ah xarun cilmi barista caqliga macmalka ah ama (AI) samaysa, ayaa billowgii sanadkii 2021, BlogPost ku soo bandhigtay DALL-E oo ahaa model ama qaababka baridda qotada dheer (Deep Learning Models),
DALL-E wuxuu isticmaalayay nooca GPT-3 oo wax laga beddelay si loo abuuro sawirro la macno ah ereyo qof uu soo galiyay, tusaale ahaan inaad soo galiso qoraal kadibna uu soo saaro macnaha qoraalkaaga sawir ka turjumaya.
Qormadaaan Goor dhow ayaa lasoo dhigi doonaa ayadoo dhammeystiran i.a
0 Comments