Ad Code

Responsive Advertisement

Qoraaladii Hore

5/recent/ticker-posts

Maxaan ku doortaa Computer Cusub? Waxaan ahay Arday Computer Science barta.

Ma tahay Arday barta Computer Science ama IT?

Ma tahay xirfadle IT ah rabana inuu dhiso Software?

Maku dhib qabtaa Laabtoobkaaga hadda oo ma xiiseyneysaa inaad soo iibsato mid kale oo kuu qaban kara shaqada aad rabto?

Ma danaysaa Laabtoob kuu fulin kara shaqooyin badan kuuna raagi doona muddo?

Doorashada Laabtoob ama Computer miiseed (Desktop) aad u isticmaasho dhisidda barnaamijyada ma ahan hawl fudud, waxayna u baahantahay qiimeyn aad ku samayso baahidaada shaqo iyo mid dhaqaale.

Waxaa jira boqolaal shirkadood oo soo saara malaayiin qalabyo sanad walba, inaad doorato kadibna soo iibsato midka kuugu haboon ma ahan hawl fudud.

Marwalba qalabka Komiyuutarka waxaa laga eegaa 3 da qeybood ee ugu muhiimsan oo kala ah: 1) Maskaxda (Processor) 2) Memory Ram (Xasuusta) 3) Storage (Qaadka).

Haddaba maxaad ku dooranaysaa laabtoob kuu qaban kara shaqooyinka Barograaminta (Programming).

1. Fudeedka: Laabtoobyada waxay ku yimaadaan qaabab iyo naqshado kala duwan, wayna kala culusyihiin miisaan ahaan, hadaad doonayso inaadan laabtoobkaaga u qaadan goobo kale waxaa kuu haboon inaad doorato laabtoob leh shaashada 15 Inji ah, kaasoo ah Laabtoob weyn shaashadiisuna ay baaxad leedahay. Balse hadaad u iibsanayso shaqo ama aad aad gali karto safaro badan waxaa kuu haboon inaad doorato laabtoob shaashadiisu tahay 12 ama 13 Inji.

2. Shaashadda: Shaashadda waa mid kamid ah waxa lagu doorto ama lagu diido Laabtoobka, waana midda soo bandhigta hawl walba uu Kombiyuutarku haayo. Badanaa laabtoobyada caadiga ah waxay ku yimaadaan nidaam 1366 x 768 ah, laakiin waxaa kuu haboon inaad doorato laabtoob aan ka yareyn muuqaalkiisu 1080p, wax badan ayaad ku qabsan kartaa.

3. Maskaxda: Maskaxda Kombiyuutarka waa (CPU) waana saldhigga shaqooyinka Kombiyuutarka, haddii baaxadda Maskaxda Kombiyuutarku yaryahay waxaa yaraanaysa shaqada uu qaban karo qalabkaas. Haddaba waxaa kuu haboon inaad doorato Nidaamka Core ee Shirkadda Intel gaar ahaan i5 ama i7, dhaqsiyaha 3GHz, ama ka badan hadii qiimuhu ku raali geliyo.

4. Xasuusta: Xasuusta Kombiyuutarka waa (RAM), waa caawiyaha maskaxda, qabtaha shaqooyinka xusuus ee joogtada ah. Suuro gal ma ahan in Laabtoob aad rabto inaad ku barograamiso barnaamijyo inuu ka yaraado 4GB Ram. Aniga ahaan waxaan kugula talin lahaa Raam gaaraya 8GB illaa 16GB ayaa ku habboon hawlaha adag ee barograaminta

5. Qaadka: qaadka ama keydinta Kombiyuutarka waxay kuu fududeynaysaa inaad ku keydsato barnaamijyo iyo hawlo badan. Waxaa haboon in Qaadka uu gaarayo 1000GB ama 1TR. Gaar ahaan Qaad SSD ah ama (Solid State Drive) taas ayaa dhaqsiyo badan.

6. Beetiriga: Beeteriga Kombiyuutarka waa muhiim ka qeybqaadan kara inaad hawlahaaga sii wadato adigoo aadan Koronto haysan, waxaa haboon Beeteri ku heyn kara illaa 6 saacadood.

7. Kiciyaha: Kiciyaha waxaan ula jeedaa (Operating System) oo ah barnaamijka ka shaqeysiiya Qalabka Kombiyuutarka dhammaan, haddaba hadaad door bideyso Windows ogaaw inaad haysato fursado badan oo aad ku isticmaali karto barnaamijyo badan oo qaarkood bilaash yihiin amaba la saaxiib ah Windows, balse hadaad iibsanayso MacOs ama Apple, waxaad ogaataa inaad ku xirantahay kaliya Barnaamijyada ay suuq keento Apple kaliya. Haddaba Kiciyaha Linux aad ayuu ugu haboonyahay Xirfadlaha balse iska hubi in Kiciyahaas yahay mid asal ah.

8. Muuqaalka: ama (Graphics), waxa uu kuu suuro galinayaa aragti tayaysan ee barnaamijyada iyo shaashaddaba, haddaba isku day inaad hesho Laabtoob muuqiisu wacanyahay, aanan ka yarayn 1GB.

Sidoo kale isku day inaad warbixin ka hesho xirfadlayaasha kale ee hore u iibsaday laabtoob, amaba ka eeg online warbixinada qalabyada shirkadaha ay soo saaraan, iyo fal celinta macaamiisha.

Fadlan ka bixi faallo, riix waan ka helay, la soco qoraaladeenna soo socda.

Mahadsanid

Post a Comment

4 Comments

Unknown said…
Waad ku mahadsanatahay sida wanaagsan aad noogu sharaxday , wax badan waan ka faaiday
Unknown said…
Mahad sanid sida wacan aad garab inoogu siisay iibsashada ccomputer wanaagsan
salaad said…
Waa qoraal kooban oo wanaagsan waad ku mahadsantahay eng